Tababaraha Kooxda Monaco Ee Leonardo Jardim Oo Liverpool Ku War Galiyay Go,aankooda Ku Aadan iibka Thomas Lemar Ee January

Tababaraha kooxda Monaco ee Leonardo Jardim Ayaa kooxda Liverpool ku war galiyay go,aankiisa ku aadan iibka xiddiga reer France ee Thomas Lemar kaas oo si weyn loola xiriirinayo kooxda Liverpool oo doonaysa in ay xiddiga badal uga dhigto Philippe Coutinho oo ku sii dhawaanaya kooxda Barcelona.

Tababaraha kooxda Monaco ayaa sheegay in ayna kooxdiisu wax niyad ah u haynin in ay iibiyaan thomas lemar inta lagu guda jiro suuqa Janaury.

Leonardo Jardim ayaan muujin wax rajo ah oo ay kooxdiisu ku fasaxayso xiddiga ama ay suuqa ugala soo wareegayaan wax xiddig ah inta lagu jiro bishan.

Isaga oo arintaas ku war galiyay ayaa yiri”Wax niyad ah uma hayno in aanu suuqa January xiddigo fasaxno ama aanu xidddigo la soo saxiixano, wayna fahmayaan xiddiguhu sida ay arintu tahay”.

Thomas Lemar ayaa lagu soo waramayaa in uu ogolaaday in uu Liverpool ku biiro suuqa January kadib markii uu kooxaha Arsenal iyo chelsea iska diiday.

Liverpool ayaa sidoo kale saxiixa xiddigan ku dhawaatay suuqii xagaagii laakiin Kooxda Monaco ayaa albaabka ka xiratay in uu xiddigan boxo.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply