Tababaraha Cadaadisku Saaran Yahay Ee Zidane Oo Shaki Galiyay Mustaqbalkiisa Los Blancos.

Tababaraha kooxda Real Madrid Zinedine Zidane ayaa shaki galiyay mustaqbalkiisa kooxda Real Madrid inkasta oo uu dhawaan qalinka ku dugay heshiis cusub oo ilaa 2020 ah.

Zinedine Zidane ayaa difaacay qaab ciyaareedka Real Madrid, laakiin wuxuu qirtay in qandaraaskiisu uuna u balan qaadi karin in uu muddo dheer sii joogo kooxda.

Real ayaa bar-baro 2/2 ah la gashay kooxda Numancia lugtii 2-aad ee tartanka Copa del Rey iyaga oo ku soo baxay guul 3/0 ah oo ay gaareen lugtii 1-aad.

Kulankaas ayaa ahaa midkii 2-aad oo xiriir ah oo ay bar-baro galeen xiddigaha Zidane kadib guuldaradii 3/0 ahayd ee ka soo gaartay kooxda Barcelona ka hor ciida gaalada.

Los Blancos ayaa 16 dhibcood ka dambaysa kooxda Barcelona ee hogaanka u haysa horyaalka La Liga waxana ay kulan adag wajihi doonaan wareega 16-ka iyaga oo la ciyaari doona kooxda reer France ee PSG.

Zidane ayuu haatan cadaadis badan saaran yahay inkasta oo uu bilo ka hor ku hogaamiyay koobka champions league iyo horyaalka La Lga.

Iyada oo wax laga waydiiyay heshiiskiisa kadib bar-barihii Numancia ayuu yiri”Waxa aan wakhti hore saxiixay waxa aan kooxda la joogayaa ilaa 2020″.

“Waxa aan maalin maali u soconaya iyo sanad, sanad sidii sanadkii hore,ma eegi karo 2 ama 3 sano oo soo socda waayo heshiiska aan kooxda kula jiro wax macno ah ma samaynayo”.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply