Sky Sport Oo War Cusub Ka Soo Saartay Xaalada Cakiran Ee Xiddigaha Alexis Sanchez iyo Henrikh Mkhitaryan

Arimo cusub ayaa ka soo cusboonaadaay wararka sida weyn loo hadal hayo ee ku saabsan mustaqbalka xiddigaha Alexis Sanchez iyo Henrikh Mkhitaryan kuwaas oo ay kala doonayaan kooxaha Arsenal iyo Man United.

Sky Sports News ayaa fahamsan in ay wadahadalo dhex mari doonaan kooxaha Arsenal iyo Manchester United kuna aadan xiddigaha Alexis Sanchez iyo Henrikh Mkhitaryan.

Mar jirto wax heshiis ay oo ay labada kooxood gaareen kamay hadlin wararka sheegaya in uu Alexis Sanchez heshiis la gaaray kooxda Man United.

Labada kooxood ayaa la sheegayaa in ay aaminsan yihiin in ay si deg-deg ah u soo afjaranaan heshiiska una dhamaystiraan wadahadalada.

Waxa la fahamsan yahan in ay labada kooxood caawa horumar ka samayn doonaan wadahadalada taas oo jawaab ka soo bixi doonto.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply