Sheeko Cusub Xiddig Kooxda Man City Ee Leroy Sane Oo Ciyaaraha Ka Fadhiisan Kara Sanadkan, & Arinta Sababta U Noqon Karta

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man city ee Leroy Sane ayaa shaaca ka qaaday in uu ciyaaraha ka fariisanayo xagaaga dambe hadii ay hal arin dhacdo.

Garabka reer Germany ayaa sheegay in uu ka fariisan karo ciyaaraha kubada cagta hadii uu koobabka oo dhan kula guulaysto kooxdiisa Man city iyo waliba xulka qarankiisa Germany.

Kooxda Man city ayaa qaab cajiib ah ku jirta xilli ciyaareedkan iyada oo hogaanka premier league ku haysa 16 dhibcood sidoo kale gaartay wareegyada kama dambaynta ah ee tartamada FA Cup-ka iyo League cup-ka halka ay sidoo ale wareega 16-ka tartanka champions league la ciyaari doonaan kooxda Basel.

Leroy Sane ayaa ka mid ah tiirarka muhiimka ah ee kooxda Man city iyo waliba xulka qaranka Germany ee koobka adduunka Russia 2018.

Sane oo waydi siinaya wargayska The Sun ayaa yiri”Hadii ay sidaas dhacdo waxa aan ciyaaraha kaga fariisanayaa aniga oo 22 jir ah”.

“Sanadkan waxa uu noqon doonaa sanad fiican waxana aan ku raaxaysanayaa qaab ciyaareedkayga ugu horayn waxa aanu fursad fiican u haysanaa horyaalka Premier league oo aanu dhibco badan ku hayno, ma jirto koox sidaas filaysay”.

“Waxa aanu sidoo kale meelo fiican kaga jirnaa tartamada League cup-ka iyo FA cup-ka iyo waliba champions league”.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply