Sheeko Cusub: Liverpool Oo Qayb Weyn Ka Ah Helitaanka Man United Ee Alexis Sanchez, Laakiin Sidee?

Kooxda Liverpool ayaa qayb weyn ka qaadatay baacsiga ay Man United ugu jirto saxiixa xiddiga kooxda Arsenal ee Alexis Sanchez sida laga soo xiganay halyeeyga kooxda Man United ee Phil Neville.

Phil Neville ayaa aaminsan in ay Man United doonayso in ay hesho saxiixa Alexis Sanchez bishan sababtoo ah waxa ay ka wel-welsan yihiin qaab ciyaareedka haatan ee kooxda Liverpool.

Kooxda tababare Jurgen Klopp ayaa soo afjaray rikoorkii guuldaro la,aanta ee xilli ciyaareedkan kadib markii ay 4/3 ugu garaaceen todobaadkan.

Reds ayaan haatan 18 kulan oo xiriir ah wax guuldaro ah la kulmin waxana ay haatan 3 dhibcood oo kaliya ka dambaysaa kooxda Man United.

Xilli uu tartanka Horyaalku u muuqdo mid dhamaaday maadama ay City 12 dhibcood ku hayso waxa uu tartan adag ka socdaa booska loogu soo baxayo champions league .

Liverpool ayaa wakhti hore suuqa gashay si ay u xaliso dhibaatadeeda daafaca waxana ay bilowgii January la soo wareegtay Virgil van Dijk.

Neville ayaa aaminsan in qaab ciyaareedka fiican ee Liverpool in ay qayb weyn ka qaadatay u dhaqaaqista United ay haatan ku dhawdahay saxiixa Alexis Sanchz.

“Waxa aan aainsanahay in uu yahay saxiix cajiib ah ah”ayuu Neville u sheegay BBC Radio 5Live.

“Waxa aan bilo ka hor u malaynayay in uu Alexis Sanchez xitaa diirada u fuulayn United”.

“Laakiin haatan si lama filaan ah ayay ugu dhawdahay saxiixiisa waasina waa mid aad la yaab u noqotay”.

“Waxa aan u Aaminsanahay in Ay United ugu dhaqaaqday qaab ciyaareedka Liverpool dartiis, waxa aan u malaynayaa in ay Sanchez u keentay in uu ka caawiyo in ay ku dhamaystaan kaalinta 2-aad taas oo siinaysa rajo fiican”.

“Waxa aan aaminsanahay In Ay Man United ku dhamaysan doonto 4-ta kaalmood ee ugu sameeya, laakiin qaab ciyaareedka Liverpool ayaa ah mid laga wel-welo waxa ay ku jiraan qaab aan la rumaysan karin”ayuu hadalkiisa sii raayay.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply