Shaxda Rasmiga Ah Ee Barcelona Vs Celta Vigo: Valverde Oo Shax Adag Ku Soo Galay

Kooxda Barcelona ayaa goordhaw la ciyaari doonta kooxda Celta Vigo kulan ka tirsan lugtii 2-aad ee tartanka Copa Del Rey-ga kulan ka dhici doona garoonka Camp Nou.

Labada kooxood ayaa kulankii lugtii hore oo ka dhacay garoonka Celta Vigo ku kala baxay bar-baro 1/1 ah iyada oo ay kooxda Barcelona ku ciyaaraysay shax u badan kaydka.

Hadaba labada kooxood ayaa caawa u soo gali doona sidii ay isaga xaadirin lahaayeen wareega xiga ee tartanka iyada oo ay kaliya 90 daqiiqo ka xigto.

Barcelona oo kulankii hore ku soo gashay shax aan ahayn mideeda joogtada ah ayaa kulankan ku soo gashay shax adag iyada oo ku soo bilowdeen shaxda ay hogaaminayaan xiddigaha Andrés Iniesta, Leonel Messi Luiz Suárez

Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka:

BARCELONA: illessen, Semedo, Piqué, Mascherano, Jordi Alba, Busquets, André Gomes, Rakitic, Andrés Iniesta, Leo Messi  Suárez

KAYDKA: Ter Stegen, Vermaelen, Digne, Sergi Roberto, Paulinho, Dembélé y Arnaiz. Aleñá.

 

CELTA VIGO: Sergio, Mallo, Sergi Goméz, Fontás, Jonny, Lobotka, Jozabed, Wass, Aspas, Sisto, Gómez.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply