Shax Xiddig Oo Dab Ah Oo Uu Klopp U Diyaarsaday In Uu Ka Soo Xusho Badalka Philippe Coutinho

Wararka ka imanaya dalka England ayaa shaaca ka qaaday 5 xiddig oo uu tababare Jurgen Klopp u calaamadsaday si uu ugu buuxiyo booska Philippe Coutinho.

Philippe Coutinho ayaa todobaadkii hore ka tagay kooxda isaga oo kooxda Barcelona ugu biriay lacag dhan 142 milyan oo euro isaga oo qalinka ugu duugay Barcelona heshiis 5 sano iyo bar ah.

Wargayska Daily Star ayaa sheegay in uu Jurgen Klopp haatan gacanta ku haysto lacag badan si uu ula soo wareego xiddigo kooxdiisa ka caawiya in ay koobab ku guulaysato kuna buuxiyo booskii Coutinho.

Wargayska ayaa shaaca ka qaaday 5 xiddig oo ay Liverpool midkood u dhaqaaqi doonto si ay ugu buuxiso booskii Coutinho xilli 2 xiddig joogaa Premier league halka xiddigaha kale ka ciyaaraan meel ka baxsan England.

Xiddiga 5-ta ah ee uu Klopp miiska u saaray maamulka Liverpool si ay ugu soo xero galiyaan ayaa kala ah Dusan Tadic oo u ciyaara Southampton,Manuel Lanzini oo u ciyaara kooxda West Ham,Antoine Griezmann oo u ciyaara kooxda Atletico Madrid,Dani Ceballos oo u ciyaara kooxda Real Madrid iyo Pierre-Emerick Aubameyang oo u ciyaara kooxda Borussia Dortmund.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply