Shan Xiddig Oo Ciyaara Kubada Kolayga Ee NBA-da Oo Soo Xushay Shaxdooda Riyada Ee Kubaada Cagta Ee Sanadkii 2017.

Xiriirka UEFA ayaa wali raadinaysa soo doorashada shaxdooda ugu fiican sanadkii 2017 laakiin dhaw xiddig oo ciyaara kubada NBA ayaa ku garaacay iyaga oo soo doortay shaxdooda riyada.

5 xiddig oo ciyaaray kubada kolayga oo dhamaantood ah taageerayaal kubada cagta ah ayaa soo xushay shaxdoodii ugu fiicnayd sanadkii 2017 ee kubada cagta.

Xiddiga Clint N’Dumba-Capela ayaa ah xiddiga kaliya ee shaxdiisa laga dhex waayay xiddigaha adduunka ka yaabsaday ee Cirtsiano Roanldo iyo Lionel Messi isaga oo shaxdiisa ugu fiican sanadkii 2017 ka reebay labadoodaba.

Sidoo kale wax wax la arko ah in dhamaan 5-ta xiddigba ay ka wada siman yihiin hal xiddig kaas oo ah kantanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos.

Ramos ayaa sanadkii 2017 ahaa mid guulo badan gaaray isaga oo gacanta ku dhigay kooxdiisana ku hogaamiyay koobab badan.

Xiddiga Philadelphia ayaa sidoo kale shaxdiisa ugu badnayd kooxda Real Madrid isaga oo soo doortay 6 xiddig oo Real Madrid ah iyo xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi.

Halkan Kaga Bogo shaxda ay xiddigaha 5-ta ah ee ciyaara kubada Kolaygu u soo xusheen shaxdooda ugu fiican sanadkii 2017

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply