SHAN Tayo Oo Uu Leeyahay Yerry Mina Oo Soo Jiidatay Barcelona

Kooxda Barcelona ayaa ku dhawaaqday saxiixa daafaca reer Colombia iyo kooxda Palmeiras ee Yerry Mina kaas oo ay ka soo bixisay lacag dhan 11.8 milyan euro.

Xiddigan reer Colombia ayaa noqon doona saxiixii 2-aad ee ay kooxda Barcelona samayso suuqa January isaga oo uu ka horeeyay philippe Coutinho.

Hadaba waxa aanu halkan ku soo gudbin doonaa 5 tayo oo uu xiddigu leeyahay soona jiidatay Barcelona kuna qancisay in ay xiddigan u dhaqaaqdo.

1.Awoodda hawada:

Xiddigan ayaa ah 1.93 mitir waana xiddig ku fiican kubadaha cirka waana xiddigaha yar ee horyaalka Brazil dhaliyay goolalka ugu badan ee madaxaha.

2.Ka qayb qaadashada daafaca:

Inkasta oo uu dheer yahay, wuxuu sidoo kale leeyahay taabasho fiican oo cagihiisa ah waxana uu miisaankiisu yahay 75 kiilo giraam, wakhtigiisii Brazil waxa uu ka caawiyay in uu helo farsamooyin badan oo kubada ah waxana uu leeyahay orod badan oo cajiib ah.

3.Farsamo:

Mar walba waxa uu u muuqdaa inuu kubada ka ciyaari karo daafaciisa, waxaana uu ku sameynayaa farsamooyin cajiib ah taas oo si fiican ugu soo baxaysa Barcelona.

4.Kaarar yar:

Deg-degiisa ayaa la macno ah in uu Mina sameeyay khaldaad yar taas oo uuna ku heli kaarar badan ilaa haatan waxa la siiyay hal kaar oo casaan ah noloshiisa kaaso oo uu waliba qaatay sanadkii 2013.

5.Muqastaqbal:

Wali waa 23 jir waxana uu koobka adduunka u ciyaari doonaa xulka qarankiisa Colombia marka loo eego tayadiisa waxana uu ka mid noqon doonaa xiddigaha ugu fiican ee qaarada.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply