Saddex Sababood Oo Neymar Ku Qasbaya In Uu Isaga Tago PSG Kuna Biiro Kooxda Real Madrid

Warar laga helayo Spain ayaa sheegaya sababo Neymar ku kalifi kara in uu isaga tago kooxda PSG kuna biiro kooxda Real Madrid wakhtiga soo socda.

Neyar ayaa kooxda PSG ku soo biiray xagaagii hore isaga oo noqday xiddiga ugu qaalisan suuqa kala iibsiga kadib markii ay PSG adeegiisa ka bixisay lacag dhan 222 milyan euro.

Wargayska elbernabeu ayaa shaaca ka qaaday in ay jirto sababo kala duwan oo Neymar ku keentay in uu ka fikiro in uu isaga tago kooxda caasimada France kun biiro kooxda Real Madrid.

Sababta 1-aad ayaa ah qabowga badan ee France taas oo ah mid uuna xiddigan reer France ilaa haatan la qabsan jawigeeda, sababta 2-aad ayaa ah in uuna horyaalka France ahayn mid tartan leh maadama ay haatan kooxda PSG dhibco badan ku hayso koox kastana si fudud guul uga gaarto.

Sababta 3-aad ayaa ha xiriirka joogtada ah ee uu xiddigan ka helo kooxda Real Madrid oo doonaysa adeegiisa marka la gaaro xagaaga dambe.

Waxa jirta sababo badan oo intaa ka badan taas oo xiddiga reer Brazil ku qasbaysa in uu dhawaan xirto maaliyada kooxda Los Blancos.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply