Sababta Dhabta Ah Ee Uu Henrikh Mkhitaryan U Hor Taagan Yahay Heshiiska Uu Alexis Sanchez Ugu Biirayo Oo La Ogaaday

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda an United ee Henrikh Mkhitaryan ayaa hor taagan heshiiska uu Alexis Sanchez ugu biiri karo kooxda Man United isaguna ugu biiri karo kooxda Arsenal inta lagu guda Jiro suuqa kala iibsiga Bisha bishan.

Sababta ay ilaa haatan labada heshiiska u horumari laayihiin ayaa ah in uu xiddiga Henrikh Mkhitaryan dalbanayo mushahar aad u badan si uu ugu dhaqaaqo Emrirates.

Xiddiga reer Armenia ayaa ahaatan fure u ah heshiis kasta oo uu Alexis Sanchez ugu biiri karo Man United sida uu xaqiijiyay wakiilkiisau.

Wargayska Mirror Football ayaa fahamsan in Arsenal ay ku kalsoontahay in uu heshiisku dhici doono inta lagu guda jiro todobaadkan xilli labada xiddigba lagu qiimaynayo 35 milyan oo euro.

Laakiin 28 jirka reer Armenia ayaa kooxda Arsenal ka dalbanaya in ay miiska u saaraan lacag dhan 150 kun oo Gini todobaadkii si uu ugu biiro.

Dhanka kale wakiilka xiddiga reer Mino Raiola ayaa doonaya lacag dhan 5 milyan oo Guno ah taas oo haatan ah dhibaatada ugu weyn ee hor taagan heshiiska.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply