Roma Oo Kooxaha Chelsea iyo Man United Ku War Galisay Qiimaha Nainggolan

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Roma ee Radja Nainggolan ayaa laga yaabaa inuu ka tago Roma xagaaga, hadii Corriere dello Sport ay saxan tahay.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Belgian ayaa waxaa doonaya kooxda Guangzhou Evergrande, waxaana wargeyska Capitoln uu xaqiijiyay in kooxda reer China ay diyaar la tahay 40 milyan oo euro.

Dhanka kale, Roma ayaa dooneysa 50 milyan euro. Way ku adkaan doontaa koox walba in ay bixiso lacagta noocaas ah bisha Janaayo.

Xiddiga Roma ayay sidoo kale xiiso u qabaan kooxaha Juventus, Manchester United iyo Chelsea laakiin xiddigan ayaa dhibaato ku jira kadib markii uu muuqaal iska duubay isaga oo sigaar cabaya.

Xiddigan reer Belguim ayay kooxdiisu ku ganaaxday lacag dhan 100 kun oo Gini halka ay sidoo kale laga reebay kooxdii shalay guuldarada kala kulantay kooxda Atalanta kulan ka tirsanaa horyaalka Italy.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply