Riyad Mehraz Oo Loo Badinayo In Maanta Uu Tijaabada Caafimaadka U Marayo Liverpool

Sida Bein Sport laga soo xiganayo , garabka kooxda Leicester City ee Riyad Mehraz ayaa loo badinayaa in maanta oo axadda ah uu tijaabada caafimaadka uu u marayo kooxda Liverpool.

Arintaan ayaa imaaneysa maalin ka dib markii Liverpool ay xiddigooda Philippe Coutinho ay Barcelona kaga iibiyeen aduun lacageed oo gaaraya 142 milyan oo gini

Warka waxa uu intaas ku darayaa in Liverpool ay saxiixa laacibkaas reer Algeria ku soo helayaan aduun gaaraya 49 milyan oo gini

Haddii hishiiskaas dhaco waxa ay Liverpool saxiixa Mehraz kaga guuleysteen kooxaha Arsenal, United iyo Chelsea oo aad u baadi goobayay .

Laacibkaas 26 sano jirka ah ayaa qeyb weyn ku lahaa in kooxdaas Leicester City sanadkii 2016-ka ku guuleystaan horyaalka Ingiriiska oo u aheyd markii ugu horeeysay ee ay qaadaan taariikhdooda

Waxa ay kooxda.com xuseysaa in Mehraz uu xilli ciyaareedkaan uu u dhaliyay kooxdiisa 6 gool.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply