Real Madrid Oo Laba Rikoodhe Loo Dhigi Waayay Kulankii Ay Guuldarada Kala Kulantay Villarreal

Waxa jirta cabasho kale oo ku saabsan garsoorayaasha La Liga ee a Real ka gudbisay kadib markii laba rikoore laga diiday Los Blancos kulankii ay guuldarada lama filaan ah ah ka soo gaartay kooxda Villarreal.

Garoore Alberto Undiano Mallenco ayaa arkay labada dhacdo oo kala ah kubad gacan ku dhacday iyo waliba khalad Ronaldo lagu galay waxana uu garsooruhu go,aansaday in aanu wax talaabo ah ka qaadin dhacdada.

Daqiiqadii 36-aad Gareth Bale ayaa kubad madax ku dhuftay waxana ay ku dhacday gacanta xiddiga kooxda Villarreal ee Alvaro Gonzalez wax rikoore ahna laguma abaalmarin.

Wax yar ka hor inta ayna qaybta hore dhamaan ayay dhacdadu dhacay.

Ronaldo oo ku dhex jira dilinta 18-ka ayuu xiddiga Mario khalad ku galay Ronaldo laakiin garsooraha ayaan wax talaabo ah ka qaadin xilli oo Isco Offside ku jiray.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply