Real Madrid Oo Hal Shardi Ku Xirtay U Dhaqaaqista Eden Hazard & Zidane Oo Fure U Ah

Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay hal shardi kula soo wareegayaan xiddiga garabka uga ciyaara kooxda chelsea ee Eden Hazard sida ay sheegayaan wararka haatan soo baxaya.

Kooxda Real Madrid ayaa keliya saxiixa Eden Hazard u dhaqaaqi doonta haddii Tababare Zinedine Zidane uu shaqadiisa ka sii hayo Bernabeu,

Real Madrid ayaa dooneysa saxiixa xiddiga kooxda Chelsea ee Hazard, waxaana uu diyaar u yihii in ay u dhaqaaqaan saxiixa xiddiga heerka caalami ee dalka Belgium dhamaadka xilli ciyaareedkaan.

Si kasta ha ahaatee kooxda Real Madrid ayaan u dhaqaaqi doonin saxiixa Eden Hazard hadii uu tababare Zidane ka tago shaqada tababaranimo ee kooxda Los Blancos.

Mustaqbalka Tababaraha reer France ee garoonka Bernabeu ayaa ah mid aan la hubin inkasta oo uu kooxda ku hogaamiyay laba Champions League xilli ay haatan Real 16 dhibcood ka dambayso kooxda hogaanka u haysa horyaalka La Liga ee Barcelona.

Bar-barihii xalay ee Copa del Rey ay bar-baraha 2/2 ah la galeen kooxda Numancia ayaa xaalada ku sii xumaysay kooxda Los Blancos.

Wargayska Don Balon ayaa sheegaya in Hazard yahay bartilmaameedka 1-aad ee kooxda Real Madrid ee xagaaga dambe laakiin waa hadii uu Kaliya Zidane tababare ka sii ahaado kooxda.

Xiddiga reer Belguim ayaa si cad u sheegay rabitaankiisa ah in uu doonayo in uu ka hoos ciyaaro tababaraha reer France ee Zidane.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply