Real Madrid Oo Guuldaro Lama Filaan Ah Ka Soo Gaartay Kooxda Villarreal

Kooxda Real Madrid ayaa wali sii wada dhibaatooyinkii natiijada iyaga oo guuldaro la kulantay iyada oo joogta garoonkooda Estadio Santiago Bernabeu iyada oo kala kulantay kooxda Villarreal.

Kooxda Real Madrid ayaa si fiican ku bilaabatay ciyaarta iyada oo qaadaysay weeraro waali ah iskuna dayaysay in ay 3 dhibcood ku reebato garoonkeeda..

Kooxda Villarreal ayaa iyagu ku jiray daafac waxana ay qaadayeen weeraro rogaal celis ah oo ay kaga faa,iidaysanayeen daafaca Real oo aan daganayn.

Ronaldo ayaa bilowgii ciyaartaba laba fursadoo gool ka dhalin karay laakiin umay suuro galin in uu soo taabto goolka kooxda Villarreal.

Los Blancos ayaa si laba jibaaran u qaadaysay weerarada laakiin waxa gabi ahaan meesha ka maqnayd turjimidii fursadaha goolasha loo badalayay.

Marcelo ayaa dhankiisa laad xoogan laagay laakiin goolhayaha Villarreal ayaa si cajiib ah badbaadiyay goolkiisa una diiday in ay kubadaasi gasho.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay kooxda Real Madrid wax walba u samaysay sidii ay u dhalin lahayd goolalka ciyaarta.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayay Saaxiibada Ronaldo ku soo galeen sidii qaybtii hore iyaga oo wax walba u sameeyay sidii ay goolal u dhalin lahaayeen.

Villarreal ayaa dhankeeda qaadaysay weeraro rogaal celis ah iyaga oo doonayay in ay goolal rogaal celis ah ka dhaliyaan kooxda Real Madrid.

Real Madrid ayaa heshay fursado fiican oo goolal laga dhalin karo waxana u suurogali waday in ay goolal u badalaan fursadahaas ay helayaan.

Kooxda Villarreal oo doonaysay in ay hesho fursad rogaal celis ah ayaa daqiiqadii 88-aad goolka kaga naxsatay kooxda Real Madrid iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Pablo Fornals kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Real Madrid ayaa isku dayday in ay ugu yaraan hesho goolka bar-baraha laakiin Villarreal ayaa u diiday in ay dhaliso goolka

 

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply