Real Madrid Oo Dagsatay Qorshe Cajiib Ah Oo Liverpool Uga Doonayso Mohamed Salah

Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay dagsatay qorshe ay kooxda Liverpool uga qaadanayso xiddiga wacdaraha dhigaya ee Mohamed salah marka la gaaro suuqa xagaaga dambe.

Kooxda Los Blancos ayaa diyaar u ah inay si toos isku badalasho ula samayso kooxda Liverpool iyada oo miiska u saaraysa xiddiga Gareth Bale si ay u helaan xiddiga Mohamed salah.

Warkan ayaa laga soo xiganayaa wargayska Don Balon ee ka soo baxa dalka Spain.

Salah ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku jira xilli ciyaareedkan tan iyo markii uu ku soo biiray kooxda isaga oo u dhaliyay 17 gool oo horyaalka premier league ah.

Rea l Madrid ayaa la dhacday xiddiga kadib markii uu tababare Zinedine Zidane amaan u soo jeediyay xiddiga bilwogii xilli ciyaareedkan.

Wararka ayaa haatan sheegaya in Madaxweyne Florentino Perez uu doonaya in uu salah keeno Madrid heshiis isku badalasho ahna la sameeyo Liverpool.

Bale ayaa 3 gool dhaliyay labadii kulan ee ugu dambeeyay laakiin Zidane iyo Perez ayuu cadaadisku ku sii badanayaa xilli ay kooxdu marayso xaalad adag.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply