Real Madrid Oo Albaabka U Garaaceysa Man City , Xiddig Heer Ciyaareed Wacan Soo Bandhigaya Ayay Ka Doonayaan.

Ilo wareedyo ay qortayaan saxaafadda Spain aya sheegaya in kooxda Real Madrid ay haminayaan in ay helaan saxiixa xiddiga Man City ee Raheem Sterling
Real ayaa si weyn uga baaran dageysa dalab ay ka geeyaan wiilkaas hore Liverpool kaasi oo heer ciyaareed aad u wacan la soo bandhigaya macalin Pep sida wargeyska AS ay soo xiganeyso
Real kaliya Raheem Sterling kama baadi goobayaan Ingiriisika oo waxaa kale oo ay isha ku hayaan Salah , Harry Kane iyo Hazard
Balse sida muuqata , City ayaan sahal ku fasaxeyn laacibkaas xilli macalin Pep uu hoosta ka xariiqay in ay ka shaqeeynayaan in ay hishiis cusub ka saxiixdaan laacibka kaasi oo waqti badan kooxda ku sii hayanaya
Sidaas oo ay tahay Real ma sheegin qiimaha ay ku doonayaan laacibkaas kaasi oo Man City ugu fadhiya 60 milyan oo euro oo uu uga soo wareegay kooxda Liverepool

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply