Rasmi: Tababare Zinedine Zidane Oo Soo Saaray Liiska Xiddigaha Uu Kaga Hor Tagi Doono Kooxda Villarreal

Tababaraha Kooxda Real Madrid Zinedine Zidane ayaa soo saaray liiska xiddigaha uu kaga hor tagi doono kooxda Villarreal kulan ka tirsan horyaalka La Liga todobaadkiisii 19-aad.

Zidane ayaa soo xushay 19 xiddig oo uu doonayo in uu ugu soo laabto wadada saxda ah kadib markii ay guul la,aan ahaayeen 4-tii kulan ee ugu dambaysay tartamada oo dhan marka laga reebo kulankii lugtii 1-aad ee Numancia.

Waxa liiska wali ka maqan xiddigaha Karim Benzema iyo Sergio Ramos kuwaas oo wali ku maqan dhaawacyo ay ku seegeen kulamadii ugu dambeeyay.

Si kasta ha ahaatee waxa shaxda ku soo laabtay xiddiga Dani Carvajal kaas oo soo dhamaystay ganaax kadib casaankii uu qaatay kulankii El Clasico.

Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska 19-ka xiddig:

Navas, Casilla, Moha,Carvajal, Vallejo, Varane, Nacho, Marcelo, Theo,Kroos, Modric, Casemiro, Asensio, Isco, Kovacic,Cristiano Ronaldo, Bale, Lucas Vázquez, Mayoral

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply