Rasmi: Schalke Oo Ku Dhawaaqday Saxiixa Xiddiga Marko Pjaca, Juventus Ayay Kala Soo Wareegeen

Schalke ayaa dhameystirtay saxiixa ciyaaryahanka garabka uga ciyaara Juventus Marko Pjaca oo ay si amaah ah kula wareegtay ilaa iyo dhamaadka xilli ciyaareedkan.

War qoraal ah oo ka soo baxay website-ka rasmiga ah ee kooxda Schalke ayaa xaqiijiyay in Pjaca uu ku yimid amaah ayna la wareegi doonin waxana uu tijaabada caafimaadka ku baasay maanta.

“Waan ku faraxsanahay in uu Marko na doortay anaga sababtoo ah dhowr kooxood ayaa xiiseynayay isaga,” ayuu yiri tababare Domenico Tedesco.

“Wuxuu keenayaa kooxdeena Tayo, Marko waxaa loo isticmaali karaa meelo kala duwan. Wuxuu ciyaari karaa midig ama bidix iyo weerarka. sidoo kale waa xiddig adag oo deg-deg badan”.

Agaasimaha kooxda ee Christian Heidel ayaa hadalkiisa raaciyay: “Marko wuxuu runtii rabay inuu nagu soo biiro. Waxana aan hubnaa inuu markiiba na caawin doono. ”

Juve ayaa 23 milyan euro ku soo bixisay ciyaaryahanka reer Croatia sannadkii hore, lakiin dhaawacyada ayaa ku adkeyay in uu joogto ugu ciyaaro isaga oo kaliya 20 kulan u saftay Bianconeri.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply