RASMI : Francis Coquelin Oo Ka Huleelay Kooxda Arsenal , Horyaalka Spain Ayuu Ka Dhacay

Tababaraha kooxda Arsenal ee Wenger ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay in qadkiisa dhexe ee Francis Coquelin uu kooxda ka huleelay , waxa uuna warkaas sheegay ka dib kulankii Chelsea ay bar bar dhaca bilaa goolasha kula galeen ee League Cup-ka.

Waxa uu Wenger qiray in laacibkaas Francis Coquelin uu u wareegay kooxda Valencia ee horyaalka Spain kuwaasi oo si weyn u daba joogay saxiixiisa.

Waxa uu Wenger s wariyaasha u sheegay in ay run yihiin waraka 26 sano jirkaas la xariirienayay in uu ku wahan yahay kooxda Valencia .

Waxaa la rumeysan yahay in Valencia laacibkaas hishiskiisa ku dhameeyeen aduun dhan 12 milyan oo gini waxa uuna Arsenal u yimid sanadkii 2008-da.

Waxa ay kooxda.com soo xiganeysaa in Francis Coquelin uu Arsenal u saftay tan iyo mudadaas 105 kullan oo horyaalka Ingiriiska ah xilli uu kooxdaas uu u saxiixay hishiis cusub bishii January ee sanadkii 2017-ka

” Francis Coquelin waxa uu aaday Valencia waayo halkaan xilli ciyaaredkaan kama helin kulammo badan oo ku fillan , waan fasaxnay” ayuu Wenger yiri.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply