Rasmi: Ernesto Valverde Oo Soo Saaray Liiska Xiddigaha Uu Kaga Hor Tagi Doono Real Sociedad

Tababaraha Kooxda Barcelona ee Ernesto Valverde ayaa soo saaray liiska xiddigaha uu kaga hor tagi doono kooxda Real Sociedad kulan ka tirsan horyaalka La Liga.

Valverde ayaa soo xushay xiddigihii todobaadka bartamihiisii la ciyaaray kooxda Celta Vigo isaga oo doonaya in uu sii dheereeyo dhibcaha ay kooxdiisu ka horayso Atletico Madrid oo haatan 6 dhibcood ka dhigtay dhibcaha ay ka dambayso kooxda Barcelona.

Waxa liiska ka maqan Arda Turan oo maanta si Rasmi ah uga tagay kooxda iyo Rafinha oo ku dhaw in uu ku biiro kooxda Inter Milan.

Sidoo kale waxa wali dhaawac uga maqan xiddiga daafaca uga ciyaara Barcelona e Umtitti kaas oo aan wali ka soo kabsan dhaawaca soo gaaray.

Waxa liiska ku jira Javier Marcherano kaas oo sidoo kale laftiisu ku dhaw in uu ka tago kooxda Barcelona inta lagu jiro suuqa January.

Halkan Hoose Kaga Bogo 18 xiddig ee uu Valverde u soo xushay kulanka Sociedad:

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply