Rasmi: Bayern Munich Oo Xaqiijisay In Uu Suuqoodii January Soo Xirmay & Chelsea Oo Uu Saamayn Ku Yeelan Doono Go,aankaasi

Tababaraha Kooxda Bayern Munich ee Jupp Heynckes ayaa sheegay in ay kooxdiisa Bayern Munich ay Si Rasmi ah uga baxday suuqa kala iibsiga January kadib markii ay la soo saxiixatay weeraryahan Sandro Wagner todobaadyadii la soo dhaafay.

Tababare Jupp Heynckes oo waraysi siiyay wargayska TZ ayaa yiri”Waxa aanu galnay suuqa Jiilaalka waxana uu suuqayagu xirmay markii aanu la soo saxiixanay Sandro Wagner”.

“Saxiixa Sandro Wagner waa saxiix faa,iido u leh kooxda waana weeraryahan horumar sameeyay wakhtigii ugu dambeeyay waxana uu kooxda ku soo kordhin doonaa wax badan”.

“Sandro Wagner wax saamayn ah kuma yeelanayo weeraryahanka Robert Lewandowski, mana oran karo waxa aan xiddiga ula soo saxiixanay in uu badal noqdo waayo waxa jirta fursad ay ku wada ciyaari karaan”

Kooxda Bayern Munich ayaa saxiixa Sandro Wagner ka bixisay lacag dhan 13 milyan oo euro si ay u helaan xiddiga oo haatan 30 jir ah kana soo baxay akademiyada kooxda Bayern Munich.

Hadalka Tababarahan ayaa la macno ah in ayna kooxda wax saxiix ah oo bixitaan ah ama ku soo biirid ah samayn doonin inta ka dhiman suuqa January.

Warkan ayaa la macno ah in aynka kooxda chelsea Heli doonin saxiixa Arturo Vidal oo ay dalab Rasmi ah gudbisay adeegiisa.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply