Qorshaha Cajiib Ah Ee Man United U Dagsatay Si Ay Man City Ugu Garaacdo Saxiixa Alexis Sanchez Oo La Ogaaday

Kooxda Man United ayaa saacadihii la soo dhaafay si lama filaan ah u gashay tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga garabka weerarka uga ciyaara kooxda Arsenal ee Alexis Sanchez.

Sanchez ayaa ilaa xagaagii lala xiriirinayay kooxda City waxana uu xitaa xiddigu City la meel dhigay heshiiska shaqsiga ah ee uu ugu biirayo.

Wararka haatan soo baxaya ayaa sheegaya in ay kooxda Man United sanchez iyo Arsenal-ba diyaar ula tahay dalab fiican oo ay ku qanacayaan.

United ayaa diyaar la ah in ay heshiiska xiddiga ka qayb dhigto xiddiga khadka dhexe uga ciyaara ee Henrikh Mkhitaryan taas oo ah dalab u fiican Gunners marka loo eego in uu heshiiska xiddigu dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkan halka ay Man city diidan tahay in ay Arsenal miiska u saarto lacag ka badan 20 milyan oo euro.

Dhanka Xiddiga wararka ayaa sheegayay in ay kooxda Man city heshiis shaqsi ah la gaartay oo ay xiddigan u soo bandhigeen mushahar dhan 250 kun oo Gini oo uu todobaadkii qaadanayo.

Si kasta ha haatee Man United ayaa mushaharka ay City xiddig siin doonto 5 kun oo Gin iyada oo todobaadkii xiddiga miiska u saari doonta lacag dhan 330 kun oo Gini todobaadkii.

Haatan waxa la sugayaa in ay Arsenal iyo Sanchez kala doortaan labada dalab ee miiska saran ee ay labada kooxood ku doonayaan adeega xiddiga.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply