Paulo Dybala Oo Dhaawac Halis Ah Soo Gaaray & Mudada Uu Garoomada Ka Maqnaan Doono Oo La Ogaaday

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Juventus ee Paulo Dybala ayaa la filayaa inuu seego kulamo muhiim ah kadib markii uu ka dhaawacmay muruqa.

Xiddiga reer Argentine ayaa laga saaray kulankii ay kooxda Juventus guusha dirqiga ah ka gaartay kooxda Cagliari kana tirsanaa horyaalka Italy.

Kooxda ayaa warbixin ku soo saartay”Xiddigu waxa uu saaka maray baaritaan taas oo muujisay in uu ka dhaawacmay muruqa lugta midig, xiddiga ayaa si deg-deg ah u bilaabi doona dawaynta waxana xaaladiisa la qiimayn doonaa maalmaha soo socda”.

Sky Sports ayaa sheegaysa in uu xiddiga ugu yaraan garoomada ka maqnaan doono 30 ilaa 40 maalmood taas oo la macno ah in uu ugu yaraan xiddigu garoomada ka maqnaan doono muddo bil ah.

Dybala ayuu dhaawacu soo gaaray wakhti dambe oo ciyaartii xalay ahayn waxana uu xiddigu gacanta ku hayay dhinaca dambe ee lugtiida midig markii uu ciyaarta ka baxayay.

Xiddigan ayaa oohin is qaban kari waayay isaga kadib markii uu ciyaarta sii wadan kari waayay taas oo muujinaysa dhibaatada dhaawaca.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply