Paris Saint-Germain iyo Manchester United Oo Isku Baacsanaya Xiddig 150 Milyan Lagu Qiimeeyo

Kooxaha Paris Saint-Germain iyo Manchester United ayaa lagu soo waramayaa in ay dagaal adag u galayaan xiddig 150 milyan lagu qiimeeyo oo qaab ciyaareed wareer ah ku jira xilli ciyaareedkan sida ay sheegayaan wararku.

Manchester United iyo PSG ayaa ku dagaalamaya saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Milinkovic-Savic ee lagu qiimeeyo 150 milyan ee euro kadib markii ay kooxda Juventus isaga baxday baacsigiisa.

Man United ayaa kula dagaalameysa Paris Saint-Germain saxiixa Sergej Milinkovic-Savic ka dib markii ay Juventus qiimaha xiddiga oo sareeya dartii uga baxday tartanka sida ay sheegayaan wararka kasoo baxaya Italy.

Xiddiga Lazio, oo 22 jir ah, ayaa noqday mid ka mid ah weeraryahanada khadka dhexe ee weerarka ka ciyaara ee yaala suuqa January.

Marka la eego suuqa Maanta xiddigan ayay kooxdiisu kaliya ku fasaxaysa lacag dhan 150 milyan oo euro sida ay sheegayaan wararku.

Kooxda Juventus ayaa isaga baxday tartanka kadib markii ay kooxda Lazio sheegtay qiimaha ay ku fasaxayo maadama ayna kooxda reer Italy diyaar u ahayn in ay lacagtaas bixiso.

Milinkovic-Savic ayaa dabka ku shiday wararka la xiriirianaya kooxda Juventus iyada oo ay wararku sheegayeen in uu ku dhaw yahay in uu ku biiro kooxda Juventus kadib markii lagu arkay Turin.

Si kasta ha ahaatee xiddiga ayaa la ogaaday in uu magaaladaas u tagay si uu u soo booqdo walaalkii oo u ciyaara kooxda Torino.

Man United ayaa doonaysa saxiixa xiddigan maadama uu xiddigu yahay mid hal abuur fiican leh waxana laga yaabaa in heshiisku dhici karo maadama uu Red Devils u ciyaari karo champions league.

Laakiin kooxda PSG ayaa diyaar u ah in ay Man United kula dagaalanto saxiixa xiddiga maadama ay doonayso in ay dhisto koox u dagaalanta champions leageu.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply