Ousmane Dembélé Oo Walaac Ku Abuuray Taageerayaasha Barca Ka Dib Dhamaadkii Kulankii Celta Vigo Ee Cope Del Rey0ga

 

Garabka kooxda Barcelona ee Ousmane Dembélé ayaa walaac ku abuuray taageerayasha kooxdaas ka dib markii uu dib u soo cusboonaaday sida muuqata dhaawac horay u gaaray  waxa ayna taasi dhacday ka dib dhamaadkii kulankii Celta Vigo ee lugta labaad ee wareegga 16-ka Cope Del Rey

Ousmane Dembélé ayaan ku soo bilaaban kulankaas balse badel ayuu ku soo galay daqiiqaddii 56-aad  xilligaas oo loo saaray Messi .

Wargeyska Marca ayaa sheegaya in  uu toos u aaday qolka dhar badalashada ka dib dhamaadkii kulankaas iyadoo uu gacanta ku hayo muruqa dambe ee bowdada lugta bidix

Waxaa xusid mudan in goobtaas tahay halkii  uu horay uga dhaawacmay  waxaana wajigiisa ka muuqday walaac taasi oo loo badiyay in laacibka uu dhaawacmay .

Ousmane Dembélé ayaa maalmo ka hor ku soo laabtay kulamada kooxda ka dib markii muddo uu dhaawac kaga maqnaa kaasi oo ku haleelay kulankii Catefa ee horyaalka Spain

Barcelona ayaa la filaaya in war ka soo saraan saacadaha soo socda xaaladda laacibkaas si loo ogaado in uu jiro dhaawac iyo in kale

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply