Neymar Oo Isku Badalay Halyeeyga Reer Brazil Ee Ronaldo Kadib Gool Uu Dhaliyay Xalay, Siday U Dhacday

Kooxda Paris Saint-Germain ayaa xalay la ciyaartay kooxda Amiens kulan ka tirsanaaa French League Cup waxana goolka ugu horeeya u dhaliyay xiddiga reer Brazil ee Neymar.

Si kasta ha ahaatee kadib goolka ayuu Neymar isku badalay halyeeyga wadankiisa Brazil ee Ronaldo isaga oo u dabaal degay qaabkii uu u dabaal degi jiray Ronaldo.

Neymar ayaa kabtiisa bixiyay isla markaasna madaxiixsa saaray isaga oo dadka casuusiyay halyeeyga reer Brazil ee Ronaldo Nazario,

Neymar ayaa dabaal degan u hibeeyay Halyeeyga Reer Brazil ee Ronaldo Nazario kaas oo qaabkaas oo kale u dabaal degi jiray waayihiisii ciyaareed.

Xiddiga reer Brazil ayaa xalay dhaliyay goolkiisii 20-aad ee xilli ciyaareedkan kadib markii uu gool rikoore ah dhaliyay kooxda Amiens.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply