Napoli Oo Wadahadalo La Furtay Barcelona, Gerard Deulofeu Oo Ay Ka Doonayso Iyo Xiddiga Oo Ay Koox Kale Kaga Dhagantahay

Napoli ayaa xiriir toos ah la sameysay Barcelona si ay ugala hadasho iibsiga Gerard Deulofeu, sida uu sheegayo Sky Sport Italia, laakiin ciyaaryahanka ayaa doorbidaya Inter.

Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ayaan looga baahneyn Camp Nou ka dib markii Blaugrana ay 120 milyan euro ku qarashgareysay Philippe Coutinho.

Wargeyska Isbaanishka Sport ayaa soo jeedinaya in Deulofeu uu jeclaan lahaa Inter, laakiin Barcelona ayaa doorbidaysa Napoli, sababtoo ah waxay doonayaan in ay iibiyaan halkii ay amaah ku fasixi lahaayeen.

Haatan Sky Sport Italia ayaa ku warameysa in Napoli ay sameysay qorshe rasmi ah oo ay ku bilaabi doonto wadahadalada kooxda Barcelona iyaga oo xiddiga ku heli kara 15 ilaa 20 milyan oo euro.

Deulofeu wuxuu waayo aragnimo u leeyahay Serie A isagoo lix bilood oo amaah ah ku qaatay Milan xilli ciyaareedkii hore.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply