Muran & Isku Dhac Lixaad Leh Oo Ka Jira Qolka Labiska Iyo Garoonka Tababarka Kooxda PSG Ka Hor Kulankooda Real Madrid

Garoonka kooxda Paris Saint-Germain ayaa ku jira mid khal-khal weyn ka muuqdo ka hor inta ayna Real Madrid la ciyaarin wareega 16-ka ee tartanka champions league xilli la sheegayo la sheegayo in uu dagaal ka dhex taagan yahay xiddigaha Koonfurta Ameerika.

Waxa ay bisha February la ciyaari doonaan kooxda difaacanaysa tartanka laakiin ka hor ayay xiddigeheedu dhexdooda isku kacsan yihiin xilli ay kooxdu ku jirto dhibaato gudaha ah.

Sida laga soo xiganayo wargayska L’Equipe waxa sida khilaaf weyn oo ka dhexeeya laba qaybood oo ka mid ah xiddigaha ka soo jeeda Koonfurta Ameerika.

Xiddigaha reer Brazil oo ay ku soo biireen xagaagii Dani Alves iyo Neymar ayaa fool ka fool isugu dhacay xiddigo kale oo ka soo jeeda Koonfurta Ameerika oo uu hogaaminayo Edison Cavani.

Dagaalka ayaa sabab u noqday in ay xiddigaha Cavani Iyo Javier Pastore ka soo raageen tababarka iyaga maalmo ku darsaday fasaxii jiilaalka taas oo keentay in ay xiddigaha reer Brazil isku dhacaan labadaas xiddig.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply