Mohamed Salah Oo Ugu Dambayn Ka Hadlay Wararka La Xiriirinaya Kooxda Real Madrid

Xiddiga Kooxda Liverpool ee Mohamed salah ayaa ugu dambayn ka hadlay wararka maalmihii sida weyn u soo badanayay ee la xiriirinayay kooxda Real Madrid.

Xiddigan ayaa qaab waali ah ku bilowday noloshiisa Premier league iyo waliba Liverpool kadib qaab ciyaareed waali ah oo uu qaadanayo xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay.

Qaab ciyaareedkiisa ayaa keentay in ay soo baxaan warar badan oo sheegaya in ay kooxda Real Madrid doonayso adeegiisa marka la gaaro xagaaga dambe.

Si kasta ha ahaatee xiddigan oo la hadlaya wargayska Defensa Central ayaa sheegay in aanu meelna uga socon kooxda Liverpool.

Isaga oo arintaas ka hadlaya ayuu yiri”Waan maqlay warar badan oo ka hadlaya xiisaha kooxda Real Madrid”.

Isaga oo hadalkiisa sii watay ayuu yiri”Anigu waxa aan ku faraxsanahay Liverpool, cid walba waxa ay iila dhaqantaa si fiican tan iyo markii aan magaalada imid, arintaas aynu iska ilowno waayo heshiis ayaan kooxda kula jiraa”.

“Salah Ayaa hadalkiisa kus oo xiray”Waxa aan doonayaa in aan Liverpool la sii joogo muddo dheer lana gaaro guulo kuna guulaysto abaalmarin shaqsi ah iyo mid kooxda ahba iyo waliba in aan noqdo xiddiga ugu fiican taariikhda dalkayga”

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply