Maxuu Tababare Pep Ka Yiri Wararka Sheegaya In Hishiis Shqsiyadeed La Gaareen Sanchez?.

Wariye ka tirsan Sjy Sport ayaa weydiiyay tababaraha Man City ee Pep waxa ka jira wararka suuqa hareeyay ee sheegaya in kooxdaas ay hishiis la gaareen weeraryahanka kooxda Arsenal ee Sanchez.

City ayaa weli sii haysa wadada guusha waxa ayna guul adag ka gaareen kooxda Bristol City oo ay uga badiyeen 2/1 waxa ayna sidaas lug kula galeen finalka Leage Cup-ka

Macalin Pep ayaa si kulul uga jawaabay su`aashaas ” adiga waxaad ka shaqeysaa Sky Sport , waxaad 24 saac ka sheegeysaa kala wareegga suuqa taasina waa shaqadaada ee ma aha shaqadeyda”.

Wariyaha Sky Sport ee aadka ugu xeel dheer arimaha suuqa ee Gianluca Di Marzio ayaa sheegay in City ay hishiiska shaqsiyadeed la gaareen Sanchesz isla markaana laacibkaas uu kooxdaas u imaanayo bishaan ama xagaaga dambe.

Waxaa la xusayaa in City tahay kooxda ugu dhaw saxiixa laacibkaas reer Chile maadaama kooxihii doonayay ay diideen in ay siiyaan mushaarka uu dalbanayo ee sanadkii gaaraya 13-ka milyan ee giini.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply