Mauro Icardi Oo Doortay Number-ka Uu U Xiran Doono Kooxda Real Madrid

Xiddiga sida weyn loola xiriirinayo kooxda Real Madrid ee Mauro Icardi ayaa lagu soo waramayaa in uu doortay number-kii uu u xiran lahaa kooxda ka hor inta uuna dhamaystiri ku biiritaanka kooxda ku ciyaarta garoonka Bernabeu.

Xiddiga diirada u saaran Real Madrid Mauro Icardi ayaa lagu soo waramayaa inuu doonayo inuu qaato lambarka 9 ee Karim Benzema marka uu ka tago Inter Milan kuna biiro Bernabeu.

Real ayaa qaab ciyaareed liita soo bandhigtay horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan waxana ay haatan 16 dhibcood oo cadaan ah ka dambaysaa kooxda hogaanka u haysa ee Barcelona.

Xiddigo badan oo muhiim ka ah kooxda ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed liita oo aan laga filanayn oo uu ugu horeeyo xiddiga reer France ee Karim Benzema.

Madaxweynaha kooxda Real Madrid Florentino Perez ayaa doonaya in ay kooxdiisu si deg-deg ah ugu soo laabato wadada saxda ah waxana uu isku diyaarinayaa in uu suuqa Janaury lacag fiican galiyo.

Xiddiga Mauro Icardi ayaa ah xiddigaha uu sida weyn u doonayo madaxweyne Perez si uu gool dhalinta ugu soo celiyo kooxdiisa.

Waxana la sheegayaa in uu xiddigan doonayo in uu Xirto No.9 marka uu kooxda ka soo dago inta lagu guda jiro suuqa January ee bishan sida laga soo xiganayo Diario Gol.

 

Sidoo kale 24 jirkan reer Argentine ayaa sheegay in uuna doonayn xitaa in uu Benzema ku sii dhex arko kooxda oo laga iibiyo isla bishan January.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply