Mario Balotelli Oo Fariin Qiiro Leh Oo Uu Ku Taageerayo Xiddiga Blaise Matuidi U Diray Kadib Markii Xiddiga Reer France Lagula Kacay Hadal Cunsurino

Xiddiga weerarka uga ciyaara xulka qaranka Italy iyo kooxda Nice ee Mario Balotelli ayaa la xiriiray xiddiga khadka dhexe ee kooxda Juventus iyo xulka France Blaise Matuidi kaas oo sheegay in lagu yiri hadal cunsurinimo kulankii ay Juventus la ciyaaraysay kooxda Cagliari.

Mario Balotelli ayaa taageero qiiro leh u soo jeediyay xiddiga khadka dhexe isaga oo si weyn u taageeray una sheegay in ayna dadka reer Italy oo dhan ku dhaqmin dhaankaas.

Blaise Matuidi ayaa bogiisa Facebook-ga ku qoray kadib guushii 1/0 ahayd ee ay Juventus ka gaartay kooxda Cagliari in uu hadalo cunsurinmo ah kala kulmay taagarayaasha kooxdaas.

Balottelli ayaa teegeero u muujiyay xiddiga isaga isaga laftiisu cunsurinimo kala kulmay Italy wakhtigii uu joogay horyaalka Italy.

“Blaise waan soo baray arintaas,ha u ogolaan in ay saamayn kugu yeelato arintaas”ayuu weeraryahanka reer Italy ugu soo qoray Instagram.

“Dadka Reer Italy oo dhan sidaas maaha, sii wada qab ciyaareedkaaga wall”ayuu sii raaciyay.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply