MAQAAL : Ma Ogtahay In Suuqa Yurub Xilliga Saxda Uu Xermidoono, Xiddigo Aan Ciyaarin Champions League Balse Seegikara Xitaa Haddii Ay Ku Biiraan Kooxo Ciyaara, Suuqa Furnaandoono Ilaa Bisha April & Xog Kale Oo Muhiim Ah…..

 

Kooxo badan ayaa diyaar garowga ugu dambeeya ku jiraan marka la fiiriyo suuqa kala iibsiga oo caawa saqda dhexe lasoo gaba gabeeyndoono , filasho badan ayaa jirta dhanka suuqa.

Caawa waxaa keliya xermaya suuqa  Yurub waxaase jiridoona qaarado kale oo weli socondoonaan kala iibsiga.

 

Horyaalada Yurub Xitaa Saacadaha Wey Kala Duwan Yihiin….

Inta badan caawa ayaa la dhameeyndoonaa suuqa kala iibsiga ciyaartooyda , balse Yurub waxaa ka dhisan horyaalo badan , balse waxaa la daawadaa oo aad loo xiiseeyaa shanta ugu waa weeyn , sida Primer League, La Liga, Ligue 1, Serie A iyo the Bundesliga

Horyaalka England , Spain , France iyo Netherlands ayaa caawa lasoo gaba gabeyndoonaa isku xilli waana (10am AEDT), balse Germany ayaa xermidoona 5pm,Turkey 9Pm iyo Italy oo isagane xermidoona 10pm.

Dhanka kale Suuqa kala iibsiga ee Portugal wuxuu xermidoonaa 2 February, sidoo kale horyaalka Argentine February 7, horyaalka Russia February 22, horyaalka China February 28, horyaalka Brazil April 2, sidoo kale MLS wuxuu furnaandoonaa February ilaa iyo May 1.

Ma Ogtahay Inay Jiraan Xiddigo Haddii Lala Wareego Xitaa Seegikara Tartamada Yurub(Giroud Barcelona Kama Horimaankaro)

Philippe Coutinho. / AFP PHOTO / Josep LAGO

Sida aan la socono caawa  waxaa lagu mashquulsanaanayaa kulamada Primer League, balse waxaa muhiim ah in xiddigaha lala wareegayo loo baahan yahay in si toos loo diiwaan geliyo ka hor saacad xernaanshaha suuqa kala iibsiga.

Haddii aad tahay taageero Manchester City , Chelsea , Manchester United  , Tottenham m Liverpool ama Arsenal  waxaa waajib ah in kooxdaada ay diiwaan geliso ciyaaryahanadda inta aan lagaarin 12:00 saqdhexe.

Maxaa yeelay mar haddii 1 February lagaaro ciyaaryahan xilligaas la iibsaday ma ciyaaridoono tartamada Yurub , laga yaab inaad weli siweydiineyso balse:-

Suuqa waxaa uu xermidoonaa 1:00 am caawa saqdhexe waa Yurub, balse bisha February ayaa 12:00 Am bilaabaneysa.

 

Maxaa La Filanayaa?

Kooxda Arsenal ayaa rajeeyneysa inay ku dhawaaqdo saxiixa ciyaaryahan Pierre-Emerick Aubameyang , halka Giroud lagu wado kooxda Chelsea.

Dhanka kale kooxda Manchester City ayaa kusoo biirtay loolanka ciyaaryahan Riyad Mahrez  kadib markii uu dhaawacmay Leory Sane.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply