Man United,Barcelona Mise Real Madrid: Xiddiga Atletico Madrid Ee Antoine Griezmann Oo Doortay Meeshii Uu Ka Ciyaari Lahaa Xilli Ciyaareedka Dambe

Waxa ay u muuqataa in uu xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Atletico Madrid ee Antoine Griezmann uu doortay meesha uu ka ciyaari doono xilli ciyaareedka dambe.

Xiddigan ayaa si maldahan u sheegay meesha uu ka ciyaari doono wakhtiga soo socda taas oo niyad jab ku noqonaysa kooxaha Man United,Barcelona iyo Real Madrid kuwaas oo doonayay saxiixa xiddigan.

Antoine Griezmann ayaa bogiisa Instagram-ka si maldahan ugu qaatay go,aan ah in uu sii joogo kooxda Atletic Madird isaga oo waliba arintaas hawada u mariyay xiddiga ay isku xulka yihiin ee Paul pogba una ciyaara kooxda Man United.

Xiddigan ayaa sanadihii ugu dambeeyay lala xiriirinayay kooxaha Man United,Real Madrid Iyo Waliba Barcelona kuwaas oo doonayay adeega xiddigan reer France.

Griezmann ayaa sawir uu xiddiga ay isku dalka yihiin ee Pogba dhigtay bogiisa Instagram-ka ku qoray laba kalmadoo taas oo ah”Atletico Madrid”.

Arintan ayaa si maldahan u sheegaysa in uu xiddigan reer France doonayo in uu wakhti kale la sii joogo kooxdiisa Atletico Madrid.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply