Man United Oo Si Lama Filaan Ah Xiriir Ula Samaysay Xiddig U Jooga Kooxda Arsenal

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay la xiriirtay xiddig baxsad ka ah kooxda Arsenal iyaga oo doonaya in ay adeegiisa helaan sida ay sheegayaan wararka haatan ay qorayso wargayska The Sun ee ka soo baxa dalka England.

Kooxda Man United ayaa si lama filaan ah xiriir ula samaysay xiddiga reer Chile ee Alexis Sanchez  si ay u hesho adeegiisa sida ay sheegayaan wararku.

Sanchez, oo 29 jir ah, ayaa u muuqada mid ku sii jeeda kooxda Man city bishan ama xagaaga dambe oo uu si xor ah ugu biiri doono marka uu dhamaadko heshiiskiisa Gunners.

Laakiin sida laga soo xigtay Sky Sports, Jose Mourinho ayaa ku biiray tartana loogu jiro weeraryahanka reer Chile.

United ayaa weeraryahano badan haysta kuwaas oo kala ah Romelu Lukaku, Anthony Martial, Marcus Rashford Iyo Zlatan Ibrahimovic.

City ayaa dhanka kale si aad ah ugu baahan in ay weeraryahan cusub hesho kadib dhaawacii soo gaaray xiddiga reer Brazil ee Gabriel Jesus.

Sanchez oo heshiiskiisa Arsenal dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkan ayaa kursiga kaydka ku soo bilowday kulankii ay Arsenal bar-baraha la gashay kooxda chelsea semi-finalkii League cup-ka.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply