Man United Oo Doonaysa In Ay U Dhaqaaqdo Laba Weeraryahan Oo Premier League Jooga Midkood, Weeraryahankoodii Hore ee Javier Hernandez Ayaa Ka Mid Ah

Kooxda Man United ayaa diyaarsatay liis ay ku jiraan 3 xiddig oo ay doonayso in ay u dhaqaaqdo inta lagu guda jiro suuqa January ee bishan si ay cadaadiska uga kala yareeyaan xiddiga weerarka uga ciyaara ee Romelu Lukaku kaas oo kulamadii ugu dambeeyay daal dartiis qaab ciyaareed liita u soo bandhigay.

United ayaa xiiso u qabta weeraryahanka baxsadka ka ah kooxda Arsenal ee Alexis Sanchez laakiin sida laga soo xiganayo Telegraph Red Devils ayaa sidoo kale doonaysa weeraryahanada kooxd Leicester city ee Jamie Vardy iyo west Ham ee Javier Hernandez.

Waxa ay sheegayaan in helitaanka Jamie Vardy uu noqon doono mid adag marka loo eego lacagta ay Leicester ku fasaxayso oo ugu yaraan ah 35 milyan oo euro halka xiddigii hore ee Red Devils ee Javier Hernandez uu ka jaban yahay.

West ayaa la sheegayaa in ay diyaar u tahay in ay dhagaysato dalabaadka u imanaya kadib markii uu Tababaraha West Ham ee David Moyes uuna la dhicin qaab ciyaareedka xiddiga.

Man United ayaa doonaysa in ay weeraryahan cusub ku soo darto kooxda maalmaha soo socda si uu kooxda uga caawiyo in ay soo qabato man city.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply