Man United Oo Alexis Sanchez U Qabatay Maalin Uu Ku Gaaro Go,aanka Ugu Ugu Biirayo Old Trafford Ama Ay Isaga Baxayso Baacsigiisa

Tababaraha Kooxda Man United Jose Mourinho ayaa wakhti ugu dambayn ah u qabtay xiddiga Arsenal ee Alexis Sanchez si uu ugu dhamaystiro ku biiristiisa kooxda Man United hadii kale uu iska iloobo in uu ku biiro kooxda Man United.

Xiddiga Alexis Sanchez  ayaa loo sheegay inuu ku biiro Old Trafford Isbuucaan Рama uu iska iloobo inuu ku biiro Manchester United.

Tababaraha Old Trafford Jose Mourinho ayaa isha ku haya inuu lasoo saxiixdo weeraryahanka Arsenal, laakiin Man United ayaa u qabatay ilaa jimcaha ama ay isaga baxanaan baacsigiisa.

Kooxda Man United ayaa ka cabsi qabta in ay Arsenal xiiseheeda u isticmaalayso in ay lacag badan kaga ridato kooxda Man city oo diidan in ay bixiso lacag ka abdan 20 milyan oo euro.

Tababaraha Arsenal ee Arsene Wenger ayaa doonaya in uu xiddigan iska iibiyo waliba ku iibiyo lacag dhan 35 milyan oo euro inta uuna suuqu xirmin.

Laakiin City ayaa dareensan in qiimahaasi uu yahay mid badan marka loo eego in heshiiska xiddigu ka harsan yahay wax ka yar 6 bilood.

Snahcez ayaa doonaya in uu mushahar u helo 13 milyan oo euro sanadkiii waxa uu sidoo kale 30 miyan oo guno ah helayaa hadii uu xagaaga dambe xor ugu biiro Man cit.

Sanchez ayaa doonaya in uu la shaqeeyo Pep Guardiola kaas oo dhaawac ku waayi doona Gabriel Jesus kadib dhaawac soo gaaray dhamadkii sanadkii 2017.

Laakiin City ayaa diyaar u ah in ay isaga harto baacsiga xiddigan hadii ayna Arsenal hoos u dhigin lacagta lagu iibsanayo xiddigan.

Taas ayaa Man United ka caawisay in ay xiiso u muujiso waxana ay haatan United doonaysaa in ay si deg-deg ah u dhamaystirto heshiiska ka hor inta ayna koox kale soo galin ama ay isaga harto baacsigiisa.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply