Man United Mise Liverpool? Klopp Iyo Mourinho Oo Isku Baacsanaya Saxiixa Xiddig Wacdaro Ka Dhiga Horyaalka Germany

Kooxaha Man United iyo Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay isku baacsan doonaan saxiixa xiddig wacdaro ka dhigaya horyaalka Germany iyaga oo diyaar u ah in ay ku loolamaan saxiixiisa sida ay sheegayaan wararku.

Manchester United ayaa diyaar u ah inay si adag Liverpool ugala dagaalanto saxiixa xiddiga kooxda Borussia Dortmund ee Christian Pulisic marka la gaaro suuqa xagaaga maadama uu xiddigan tayada leh diirada u saaran yahay kooxda Old Trafford.

19 jirkan ayaa qaab cajiib ah ku jira xilli uu Jose Mourinho aaminsan yahay in uu yahay xiddiga xalka u noqon kara garabka  weerarka ee ay kooxdiisu ka liidato.

Dhanka kale kooxda Liverpool ayaa la filayaa in ay adeegiisa u dhaqaaqdo xagaaga dambe maadama uu tababare Klopp taageero weyn u yahay xiddigan lana soo shaqeeyay wakhtigii uu tababaruhu joogay kooxda reer Germany.

Kooxda Man United ayaa damacsan in ay heshiiska ku darto xiddiga khadka dhexe ee Henrikh Mkhitaryan kaas oo ay isla kooxda Dortmund kala soo wareegtay xagaagii sanadkii 2016.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply