Man City Oo Diyaarisay Qarshe Ay Barcelona Kaga Qal-qal Gilineyso In Ay Hishiis Cusub Ka Saxiidaan Samuel Umtiti

Man City ayaa isu diyaarineysa dalab qaali ah oo ay ula tagaan Barcelona si dhamaadka xilli ciyaareedkaan uga helaan saxiixa daafacooda Samuel Umtiti

 

The Sun ayaa sheegeysa in tababare Pep diyaar buux la yahay in kooxdiisa hore hor dhigo dalab dhan 50 milyan oo gini

Wargeskaas ayaa tilmaamaya in arintaan ay imaaneyso xilli Barca dhankooda doonayaan in ay sugaan amaanka laacibkaas oo ay ka saxiixdaan hishiis cusub

Hishiiska cusub ee Barca doonayaan in laacibkaas ka saxiixdaan ayaa sara ugu qaadaya qiimaha hishiiskiisa loagu bur burin karo si kooxaha damaacinaya u quustaan sidoo kalana waxa ay kordhinayaan mushaarkiisa todobaadlaha ah .

Barca waxaa kale oo ay baacsi kala kulmayan Real oo ka fikireysa in ay isku dayaan saxiixiisa waliba ka geeyaan qiimo sareeya xilli 24 Sano jirkaas ay raadinayeen xilligii uu joogay kooxda Lyon

Waxaase la xusayaa in qiimaha City damacsan yihiin in ay ka geeyaan wiilkaas reer France uu yahay midkii ay Barcelona ku qiimeysteen daafacooda

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply