Lix Ciyaaryahan Mikood Oo Ronaldo Ka Badali Kara Real Madrid , Yaa Ka Mid Ah ?.

Wargeyska AS ayaa xadiday dhowr magac oo Ronaldo ka badali kara kooxda Real Madrid haddii ay dhacdo in uu ka huleelo kooxdaas xilli laacibkaas lala xariirinayo kooxdiisii hore Man United .

 

Arintaan ayaa imaaneysa xilli ay sii xoogeysteen wararka sheegaya in Ronaldo uu kooxdaas ka tagayo ugu yaraan xagaaga dambe ka dib hoos u dhac weyn oo ku yimid heer ciyaareedkiisa xilli ciyaareedkaan , iyadoo Real-na dhanka kale iska indho direyso in ay u bandhigaan dalab cusub oo ay ku siinayaan mushaar cusub .

Wargeyskaas ayaa ilo wareedyo hoose ka soo xiganeysa in madaxa Real ee Perez uu diyaar u yahay in uu dhageysto  dalabyo laga keeno Ronaldo.

Haddii ay dhacdo in Real iibiyaan laacibkaas waxa uu qasnadda maaliyadda kooxdaas soo gilinayaa qarash aad u sareeya oo ay Real ku soo sameyn karto hishiiyo waa weyn xagaaga dambe , waxaana haatan la is weydiinayaa  yaa ka mid ah xiddigaha ay soo heli karaan .

Wargeyskaas AS ayaa soo daabacday 6 magac oo laga yaabo in Real heli karaan mdkood waxa ayna kala yihiin , Harry Kane , Hazard, Neymar , Icadi , Dybala iyo Lewandowski

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply