Liverpool Oo Wadahadalo Kula Jirta Riyad Mahrez & Xiddig Oo Koox Kale Qalbiga Ku Haya

Kooxda Liverpool ayaa si Rasmi ah wadahadalo ula furtay xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Leicester city ee Riyad Mahrez sida ay ugu ugu buuxiyaan xiddigii ka tagay kooxda ee Philippe Coutinho.

Riyad Mahrez ayaa wadahadalo kula jirta Liverpool si uu badal ugu noqdo Philippe Coutinho – laakiin wuxuu door bidi lahaa inuu u saxiixo Arsenal.

ilo wareedyo ku dhaw Mahrez ayaa si cad ugu muujiya Exprss Sport in uu xiddiga reer Algeria wadahadalo la qaatay kooxda Liverpool.

Liverpool ayaa xiiso u muujisay kadib markii uu Philippe coutinho todobaadkan dhamaystiray ku biiristiisa kooxda Barcelona isaga oo ugu biray 142 milyan euro.

Xiddiga reer Algeria ee Mahrez oo 26 jir ah ayaa diirada u saaran Reds inkasta oo ay kooxdu sheegayso arimo kale oo arintaas ka duwan.

Xilli dookha 1-aad ee Liverpool uu yahay in ay Naby Keita haatan la soo wareegaan hadana Mahrez ayaa ah dookh badal ah hadii ay ku fashilmaan arintaas.

Mahrez ayaa warqada bixitaanka u gudubiyay kooxdiisa Leicester city xagaagii hore waxana uu diyaar u yahay in uu u dhaqaaqo Anfield.

Laakiin kooxda Liverpool ayaan ahayn dookhiisa 1-aad.

Mahrez ayaa ayaa la fahamsan yahay in uu door biday in u u dhaqaaqo London hadii uu ku biiri karo kooxda Arsenal.

ilo wareedyo ku dhaw ayaa sheegaya in ayna wax wadahadalo ah Arsenal xiddigan la qaadan si ay u helaan saxiixiisa inta lagu guda jiro bishan.

Dhanka kale kooxda Leicester city ayaa si aad ah u doonaysa in ay xiddiga sii haysato xilli uu tababaraha kooxdu sheegay in aanu Mahrez ka tagayn kooxda bishan.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply