Liverpool Oo U Dagaalami Doonta Haysashada Coutinho,Chelsea Oo Arkootay Badalka Antonio Conte,Andy Carrol Oo Ku Sii Jeeda Chelsea & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala iibsiga

Wacan oo wanaagsan dhamaan Akhristayaasha aanu jecelnahay meel walba oo aad ka joogtaan dunida waxa aanu idinku salaamaynaa salaanta Islaamka Asalaamu Calaykum warxamatulah.

Intaa kadib waxa aanu halkan idiinku soo gudbin doonaa wararkii ugu dambeeyay ee ay wargaysyada adduunku ka qoraan wararka khuseeya ciyaaraha.

Suuqa kala iibsiga ayaa  si Rasmi ah uga furmay horyaalada yurub xilli kooxaha reer yurub ay suuqa u gali doonaan sidii ay u xoojin lahaayeen kooxdooda.

Kooxda.com wax masuul ah kama ahan wararkan waxana xuquuqdooda leh wargaysyada ku hor xusan ee laga soo xigtay.

Barcelona oo ku dhawaaqday inay £ 140m ku dooneyso Philippe Coutinho – laakiin rajeyneysa inay soo xerogeliso xiddiga Liverpool in ay ku xiran qaabka heshiiska (Mirror).

Kooxda PSG ayaa ku biirtay baacsiga loogu jiro xiddiga 30 milyan lagu qiimeeyo ee Ryan Sessegnon iyadoo Tottenham ay wajaheyso dagaal dhanka daafaca bidix (Mirror).

Jurgen Klopp ayaa sheegay in xiddigaha Liverpool ay yihiin qaar adag oo ka kabsan kara xitaa hadii uu Philippe Coutinho ka baxo (Mirror).

Theo Walcott ayaa adeegiisa qaab amaah ah ugu soo bandhigay kooxda Ac Milan ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan (Corriere dello Sport).

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Celtic ee Kieran Tierney ayaa ka mid ah bartilmaameedyada Manchester United ee bishaan January(Record).

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda West Ham ee Andy Carrol ayaa si lama filaan ah u noqday bartilmaameedka kooxda chelsea inta lagu guda jiro suuqa January (The Sun).

Tababaraha Inter Milan Luciano Spalletti ayaa meesha ka saaray inuu bisha Janaayo u dhaqaaqayo weeraryahanka Manchester United Henrikh Mkhitaryan (Daily Express).

Paris Saint-Germain ataa Antonio Conte u calaamadsatay badalka Rasmiga Ah ee Unai Emery xilli ay sidoo kale doonayaan Andre Villas-Boas iyo Jose Mourinho (Daily Express).

Emre Can ayaa ugu danbeyn go’aansaday inuu u dhaqaaqo Juventus taas oo dhabar jab ku ah Liverpool islamarkaana uu dhameystiri karo heshiiskan bishaan, sida ay sheegayaan wararka (Daily Express).

Chelsea ayaa isku diyaarineysa in ay u dhaqaaqdo Diego Simeone madaama Antonio Conte uu ka tagayo dhamaadka xilli ciyaareedkaan, sida ay sheeganayaan wargeysyada (Daily Express).

Wakiilada Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda chelsea ee David Luiz ayaa la xiriiray Kooxaha Barcelona iyo Real Madrid si uu xiddigu ugu biiro suuqa January (Daily Express).

Barcelona ayaa diyaar u ah inay 140 milyan oo eurp kula soo wareegto xiddiga kooxda Liverpool ee Philippe Coutinho (Daily Telegraph).

Chelsea ayaa ku dhow inay la soo wareegto Ross Barkley ka dib markii ay dalab cusub u dirtay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Everton (Daily Telegraph).

Kooxda Liverpool ayaa ugu horaysa tartanka loogu jiro Leon Goretzka ka dib markii xiriirka u dhaxeeya Schalke iyo Bayern Munich uu bur-buray (Daily Telegraph).

Chelsea ayaa Arturo Vidal u soo bandhigtay qandaraas afar sano ah oo uu ku qaadanayo 13.4 milyan oo euro xilli ciyaareedkii si uu uga tago Bayern Munich (Daily Star).

Liverpool ayaa dagaal weyn ugu jirta sidii ay Philippe Coutinho ugu qancin lahaayeen in uu kooxda sii joogo ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan (Echo).

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply