Liverpool Oo Ku Biirtay Baacsiga Sanchez, Marouane Fellaini Oo Laga Doonayo Premier League & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala iibsiga

Wacan oo wanaagsan dhamaan Akhristayaasha aanu jecelnahay meel walba oo aad ka joogtaan dunida waxa aanu idinku salaamaynaa salaanta Islaamka Asalaamu Calaykum warxamatulah.

Intaa kadib waxa aanu halkan idiinku soo gudbin doonaa wararkii ugu dambeeyay ee ay wargaysyada adduunku ka qoraan wararka khuseeya ciyaaraha.

Suuqa kala iibsiga ayaa  si Rasmi ah uga furmay horyaalada yurub xilli kooxaha reer yurub ay suuqa u gali doonaan sidii ay u xoojin lahaayeen kooxdooda.

Kooxda.com wax masuul ah kama ahan wararkan waxana xuquuqdooda leh wargaysyada ku hor xusan ee laga soo xigtay.

Kooxda Man United ayaa diyaarinaysa in ay Alexis Sanchez ka dhigto xiddiga ugu mushaharka badan premier league iyada oo diyaar ula ah lacag dhan 350 kun oo Gini todobaadkii (Daily Mail).

Arsenal ayaa u dhaqaaqaysa saxiixa xiddiga garabka ka ciyaara ee Malmcom oo lagu qiimeeyo 45 milyan oo euro si ay badal uga dhigto xiddiga Alexis Sanchez (Daily Mail).

Kooxda Man city ayaa isha ku haysa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda reer France ee Lille Boubakary Soumare (Daily Mail).

Kooxda West Ham ayaa isha ku haysa xaalka xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man United ee Marouane Fellaini (Daily Star).

Alexis Sanchez ayaa heli doona 60 kun oo Gini todobaadkii hadii uu Man United ka doorto kooxda ay jaarka yihiin ee Man City bishan (The Sun).

Tababaraha kooxda Man United ayaa nabad la sameeyay agaasimaha kooxda Man United ee Ed Woodward kaas oo tababaraha reer Portugal u balan qaaday in uu jeebka ugu shubayo lacag dhan 120 milyan si uu bishan suuqa ugu galo (Sunday Mirror).

Mourinho ayaa isku diyaarinaya in uu dagaal la galo dhigiisa Antonio Conte isaga oo kula loolamaya xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Juventus ee Alex Sandro oo 53 milyan lagu qiimeeyo (Sunday Mirror).

Kooxda Liverpool ayaa wali ku jirta tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda schalke ee Leon Goretzka (Sunday Mirror).

Kooxda Man United ayaa Alexis Sanchez u qabatay ilaa jimcaha si uu iyaga ugu saxiixa hadii kale ay isaga baxayaan tartanka ay ugu jiraan adeegiisa (Sunday Express).

Kooxda Liverpool ayaa si lama filaan ah ugu dhaqaaqaysa saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Arsenal ee Alexis Sanchez inta lagu jiro suuqa Januar (Sunday Express).

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply