Liverpool Oo City & United Kula Biirtay Baacsiga Alexis Sanchez & Qaabka Ay Damacsan Yihiin In Ay Uga Hor Qaadaan

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay kooxaha reer Manchester kula biirtay baacsiga loogu jiro saxiixa xiddiga baxsadka ka ah kooxda Arsenal ee Alexis Sacnez.

Kooxda Liverpool oo ku hubaysan lacagtii 142 milyan ee ay ka heshay Philippe Coutinho ayaan ka wel-welsanayn qiimaha 35 milyan ee euro ee ay kooxda Arsenal doonaysa in uu iibiso xiddiga.

Milkiilayaasha reer Maraykan ee Fenway Sports Group ayaa si aad ah u doonaya in ay soo afjaraan 28 sano ee ayna Liverpool ku guulaysan horyaalka waxana ay diyaar u yihiin in ay sameeyaan wado kasta oo ay kooxda uga dhigi karaan koox ku tartamaysa horyaalka.

Waxana ay ka bilaabeen markii ay 75 milyan ee euro ka soo bixiyeen saxiixa xiddiga daafaca ah ee Virgil van Dijk waliba halkaas kuma joogsanayaan.

Kooxda ayaa wakhti hore la soo saxiixatay 60 milyan oo ay ka soo bixisay xiddiga khadka dhexe ee Naby Kieta oo ay xagaaga dambe heli doonaan.

Klopp ayaa og in uuna kooxaha reer Manchester iyo Chelsea kula tartami karin horyaalka hadii ayan Liverpool lacag galin suuqa kooxdana xoojin.

Waana sababta ay haatan shir wada jir ah u qabteen milkiilayaasha kooxda iyo waliba Jurgen Klopp iyaga oo dagsanaya qorshe ay labada Manchester uga qaadaan saxiixa Aleixs Sanchez.

Liverpool ayaa og in yihiin kooxda 3-aad ee ugu mushaharada badan waliba reer Manchester ay mushahr waali ah xiddiga ugu balan qaadeen.

City ayaa xiddiga mushahar ahaan ula fiyaar ah lacag dhan 285 kun oo Gini todobaadkii halka United ay diyaar ula tahay 300 oo kun.

Coutinho oo ahaa xiddiga ugu mushaharka badan kooxda Liverpool ayaa qaadan jiray 200 oo kun oo Gini todobaadkii in ay 300 kun Siiyaan Alexis-na waxa ay ku noqon doonaa mid adag.

ilo wareedyo ku dhaw Anfield ayaa sheegaya in fursad xiddig heer caalami ah lagu heli karo lacag yar in ay tahay mid aad u weyn.

Si kasta ha ahaatee qaabka uu Klopp Sanchez ugu qancin doono in uu iska diido Etihad iyo Old Trafford kuna biiro Anfield ayaa ah mid al is waydiinayo.

Laakin Liverpool ayaa ku kalsoon in ay xiddiga kala dhex bixi karaan kooxaha jaarka ah ee reer Manchester ee isku baacsanaya xiddiga.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply