Liverpool Mise Man United? Tababarihii Hore Ee Leicester City Claudio Ranieri Oo Shaaciyay Kooxda Uu Lucas Moura Doortay In Uu Ku Biiro

Tababarihii hore ee kooxda Leicester city ee Claudio Ranieri ayaa sheegay kooxda premier league ah ee uu Lucas Moura ku biiri doono inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga January.

Claudio Ranieri ayaa sheegay in uu Lucas moura uu durba go,aansaday in uu ku biiro kooxda Man United iskana diiday kooxda Liverpool oo loo soo bandhigay adeegiisa.

Man United ayaa si weyn loola xiriirinayay Lucas xilli ay kooxda PSG diyaar u tahay in ay xiddiga fasaxdo inta lagu guda jiro bishan.

Xiddiga ayay ku adkaatay in uu daqiiqado u ciyaaro kooxda kadib imaanshihii Xiddigaha Neymar Iyo Kylian Mbappe ee xagaaga,25 jirkan ayaa kaliya saftay 79 daqiiqo tan iyo bishii November tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Wararka ayaa sheegaay in ay kooxda PSG doonayso in ay xiddiga si toos ah u iibiso halka ay Man United doonayso in ay heshiis amaah ah ku hesho.

Laakiin waraka ayaa sheegayay in aan ilaa haatan wax horumar ah laga samayn xaalada xiddiga wadahadaladuna ilaa haatan wali socdaa.

Kooxda Nates ayaa la sheegyy in ay xiiso u qabaan xiddiga sidoo kale.

Si kasta ha ahaatee tababaraha kooxda Nates ee Ranieri claims ayaa sheegay in uu xiddiga qalbigiisu joogo Old Traffrod iskana diiday kooxda Liverpool oo wakiilkiisu u soo bandhigay.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply