Lionel Messi Oo Boorka Ka Jaftay Rikoor Uu Dhigay 11 Sano Ka Hor, Kulankii Celta Vigo Ayaa Sabab U Noqday

Kulankii lugtii 2-aad ee copa Del Rey-ga ee u dhexeeyay kooxda Barcelona iyo Celta Vigo kana dhacay Camp Nou taageerayaasha ayaa arkay wax ayna arkay muudo dheer taas oo ah in Messi badal lagu sameeyo ka hor inta ayna ciyaartu saacad socon iyada oo uu ku soo baxay go,aanka tababaraha.

Waxa daqiiqadii 59-aad lagu badala xiddiga reer France ee Ousmane Dembele xilli markii ugu dambaysay ee uu Lionel Messi garoonka ka boxo wakhti hore ay ahayd 29 bishii September 2007 kulankaas oo ay Barcelona la ciyaaraysay kooxda Levante.

Waxa tan ilaa kulankii xalay ka soo wareegtay 302 kulan taas oo aan Lionel Messi wax badal ah lagu samayn iyada oo uu sabab u yahay go,aanka tababaruhu.

Kooxda Barcelona ayaa kulankaas ku badisay 4/0 xilli xiddiga reer Argentine uu dhaliyay goolka 4-aad isala markaas ayuu tababare Rijkaard oo markaas Barcelona hogaaminayay Messi ku badalay xiddiga Gio dos Santos.

Tan iyo wakhtigaas Messi ayaa wax yar la badalay inta ayna ciyaartu 60 gaarin laakiin sababaha loo badali jiray ayaa ahayd dhaawacyo.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply