Leonardo Bonucci Oo Guul Muhiim Ah Ka Caawiyay Ac Milan,Crotone Ayay Ka Badiyeen

Kooxda Ac Milan ayaa guul dirqi ah ka gaartay kooxda Crotone kulan ka tirsan todobaadkii 20-aad ee horyaalka Italy kulan ka dhacay garoonka San Siro.

Ac Milan ayaa ka badbaaday taako ay u dhigtay kooxda Crotone iyada oo ku badisay 1/0 kulan ay kooxda Ac Milan soo bandhigtay qaab ciyaareed fiican.

Milan ayaa joojisay dhibcihii ay sida joogtada ah u luminaysay 3-dii todobaad ee ugu dambeeyay oo ah laba guuldaro iyo hal bar-baro gashay.

Ac Milan ayaa ka faa,iidaysatay qaab ciyaareedkeeda kabtankeeda Leonardo Bonucci kaas oo goolka madax ku dhaliyay daqiiqadii 54-aad.

Leonardo Bonucci ayaa sidaas ku dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee maaliyada Ac Milan 27 kulan oo uu u ciyaaray kooxda tartamada oo dhan tan iyo markii uu ku soo biiray kooxda.

Guushan ayaa Ac Milan ka caawisay in ay kor ugu qaado dhibceheeda 28 iyada oo si ku meel gaar ah u fadhida kaalinta 10-aad ee kala saraynta horyaalka Italy

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply