Laba Koox Oo Ka Dhisan Italy Iyo Ingiriiska Oo Real Madrid Ka Xaal Wareystay Saxiixa Marco Asensio

Marco Asensio ayaa helaya dalabyo waa weyn oo lagu doonayo in looga fogeeyo qalcadda Santiago Bernabéu ee kooxda Real Madrid inta suuqa kala wareegga jilaalka uu furan yahay

Bogga Defensa Central ayaa sheegay in laacibkaas reer Spain uu haatan bilaabay in si dhab ah uga fikiro in uu ka huleelo Real

Sababta ugu weyn ee keeneysa in laacibkaas ogalado in uu baxo ayaa ah isaga oo aan raali ka aheyn kursiga keydka tababare Zidane oo mudooyinkaan shaxdiisa asaasiga ka fogeeyay

Defensa Central waxa ay xuseysaa in kooxaha Man City iyo Juventus ay ku xooggan baacsigiisa kuwaas oo la xusayo in ay haatan toos ula xariireen Real iyaga oo ka wareysanaya Marco

sensio

Kulamaddii ugu dambeeyay kooxda , macalin Zidane ayaan Marco Asensio siin fursad ka qeyb galka asaasiga taasi oo keentay in Marco Asensio uu caroodo

Kooxaha sidoo kale isha ku haya laacibkaas waxaa ka mid ah kooxda Arsenal balse weli ma aysan qaadin wax talaabo rasmi ah oo ku aadan soo xero gilintiisa

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply